Dhacdo Murugo Badan oo ka Dhacday Magaalada Dhagaxmadow

Dhagaxmadow ( Raxanreeb Online) Magaalada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa laga helay xabaal-wadareed murugo iyo argagax ku reebtay bulshada deegaanka.

Wararka waxa ay tilmaamayaan in qof ka mid ah dadka deegaanka uu damcay inuu qodo musqul (Suuli) meel aan xaafaddiisa ka fogeyn. Intii lagu guda jiray qoditaanka, ayaa waxaa si lama filaan ah loo helay maydadka afar qof oo hal meel wada lagu aasay.

Waxaa sidoo kale maydadkaasi agtooda laga arkay dharkii ay xirnaayeen, oo ay ka mid ahaayeen macawisooyin, taas oo caddeyn u ah in la aasay iyagoo xiran.

Bulshada magaalada Dhagaxmadow ayaa dhacdadani ku noqotay naxdin iyo murugo aan la qiyaasi karin, iyagoo ku tilmaamay arrin qalbiga bani’aadam kasta gilgilaysa.

Weli maamulka degmada kama uusan hadlin dhacdadaan argagaxa ku abuurtay dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.