Dhalinyaro Anshax xumi ku dhex faafineysay baraha Bulshada oo lagu xiray Gobolka Bay.

 Beydhabo (Raxanreeb online) – Laamaha Ammaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay uga hortegi lahaayeen dadka Baraha Bulshad ku faafiya falalka Anshax-xumada ah, si gaar ah kuwa kunool degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada CID-da Gobolka Baay Dhame Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Baydhabo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka iyo soo qabashada cid alaala ciddii Baraha Bulshada ku faafisa falalka Anshax xumada ah.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha inay hadda gacanta ku hayaan dad lagu soo qabtay falal la xiriira anshax-xumo, kuwaas oo uu sheegay in Maxkamad la soo taagi doono.

“Waxaan Shacabka ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha amaanka ayna nooso sheegaan cid waliba oo anshax xumi ku dhex faafinaysa Baraha Bulshada, halaga digtoonaado ayaan leenahay Shacabka” ayuu yiri Dhame Maxmed Yuusuf oo wareysi siinayay Tvga Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad dalka ugu soo batay dadka sameynaya falalka anshax-xumada ah, sigaar ah kuwa ku faafinaya Baraha Bulshada, kuwaas oo qaarkood Dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.