Digniino adag oo laga soo saaray gobolka Bariga Africa in uu wajihi doono xaalado Abaar ah.

Jabuuti (Raxanreeb online) – Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa sheegtay in gobolka Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado qalleyl ah (abaar) oo aan caadi ahayn inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025.

Sidoo kale, Xarunta Saadaasheeda ay toddobaadkan soos aartay, ayay ku sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaar.

Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka January ilaa March 2025.

Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro.

Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay.

In ka badan 64 milyan oo qof oo Geeska Afrika ku nool ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo dhammaadkii November sababo la xiriira dagaallo iyo musiibooyinka cimilada, sida ay warbixinta sheegeen Ururka Cunnada iyo Beeraha QM iyo IGAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published.