Sanca (Raxanreeb ) kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa qaaday weerar cusub oo ka dhan ah Maraakiibta shixnada sida ee adeegsanaya badda cas halkaas oo ay ka jirto khatar xaga xaga burcad badeeda Soomaalida.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa maalmahan qaaaday weeraro joogta ah kuwaas oo ay ku doonayeen inay ku afduubtaan Maraakiibta shixnadaha sida , waxaana soo baxaya walaaca laga qabo weeraradan.
Sida warbaahintu ay warbaahintu ay sheegeen maanta oo Talaada ah kooxaha burcad badeeda ayaa qafaashay dooni hor leh ,xili ay hore u haysteen laba markab kale
Doontaan ayaa lagu magacaabo Emerat-2 oo ay kusii jeeday ku sii jeedday waqooyiga xeebaha Yemen, sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan maamul maxalli ah.
Markabkan ayaa la geeyay xeebaha Puntland halkaas oo hore loogu haystay Maraakiib kooxaha shufta badeeda ay soo qafasheen xeebaha gacanka cadmeed iyo badda cas.
Leave a Reply