Muqdisho (Raxanreeb) — Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa sii kordhiyay dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada ay dhowaan ka billaabeen xeebaha Soomaaliya iyo biyaha gacanka Cadmeed ee u dhaxeeya Soomaaliya, iyo Yemen.
Kooxaha ayaa maanta qaaday weerarkii 4-aad oo ay ku beegsatay doonni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen sida wararki sheegayaan.
Hay’adaha amniga ayaa sheegay in doontani ku dhoweeyd markii ugu war danbeeysay meel u dhow biyaha Soomaaliya, oo haatana la la’yahay jaan iyo cirib meel ay dhigtay.
Ururka ganacsiga ee dowladda Uk, (UKMTO) ayaa sheegay in ay amisanyihiin doonnidani in ay afduubteen burcadda badda, taasoo laga leeyahay dalka Yemen.
Doontan ayaa lagu magacaabaayaa Emerat-2, taasoo uu sheegay masu’ul katirsan kuwa maxxalliga ee dalka Yemen, islamarkaasna kusii jeeday xeebaha waqooyiga dalka Yemen.
Doontani, ayaa laga sheegaya in laga af-duubtay meel u jirta 8 meeyl dhanka waqooyi kaga beegan degmada Eyl, ee gobolka Nugaal maamulka Puntland.
Hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain, ayaa sheegtay in dhowaan Markab weeyn oo ganacsi sidan oo kale looga afduubtay xeebaha ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo ka mid ah, Burcad Badeedda ay Markabkaasi oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha maamulka Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah, oo lagu xaqiijinayo.
Si kastaba ha ahaatee weerarada Burcad Badeedda Soomaalida ayaa soo laba kacleeyay taasoo inkabadan 10 sanno uusan jirin Burcad afduub u geeysatay maraakiibta iyo doonnida.