Doxa (Raxanreeb online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.
Sidoo kale, Waiirka iyo wafdiga la socday ayaa Qatar u tagay ka qeyb galka munaasabadda ay ku qalin jebiyeen 17 arday oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan, kuna soo biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Cabdulqaadir Nuyr oo dowladda Qatar uga mahad-celiyay tababarka dhallinyaradaan Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan Soomaaliyeed guusha ay gaareen iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii ay tababarka ku jireen.
Ugudambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in dhallinyaradaan ay ku soo biiri doonaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb lixaad leh ka qaadan doona dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca dalka.
Leave a Reply