Dowladda Soomaaliya ‘’ way ka walacsan tahay Soomaalida Sudan ‘’

Dowladda Soomaaliya ‘’ way ka walacsan tahay Soomaalida Sudan ‘’

Khartuum (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka wal wal qabta xaalada ay ku sugan yihiin Soomaalida dalka Sudaan ,halkaas oo iska hor  imaadyo ay ka soconayaan kuwaas oo gaysanaya dhibaatooyin badan.

War ka soo  baxay wasaaradda arrimaha dibadda  iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay ugu xun tahay  rabashadaha ka jira magaalooyin badan oo dalka Sudan ah.

Caasimadda dalka Sudan Khartuum waxaa shalay ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano gurmadka degdega ah.

“Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dalka Sudan gaar ahaan caasimada dalkaas ee Kharduum ayaa waxaa waxbarasho u jooga boqolaal arday Soomaali ah kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha wadankaas.

Militariga Afgambiga ku qabsaday Awoodda Suudaan Bishii Oktoobar 2021 ayaa marar badan ka badbaaday isku dayo lagu sameeyay in talada lagala wareego waxaana la xiray saraakiil ku eedeysan in ay sameeyeen isku dayga Afgambigaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.