Maxaa ka socda deegaanadii Dowladda ay kala wareegeen Al- Shabaab ?

Maxaa ka socda deegaanadii Dowladda ay kala wareegeen Al- Shabaab ?

Budbud (Raxanreeb ) Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya ayaa Al-shabaab  kala wareegay deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sarreeyo Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in deegaanka laga saaray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa maalmihan howlgallo ka waday tuulooyin hoostaga deegaankaan, waxaana ugu dambeyn maanta ay gudaha u galeen deegaanka Budbud.

Gowlgalka ciidamada ee deegaannada bariga iyo galbeedka gobolka ayaa waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay sidii ciidanku ay kula wareegi la haayeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka deegaankaas la wareegay ayaa kulamo kala duwan waxa ay la qaateen qaybaha bulshada deegaanka Budbud oo ay ka wada  hadleen xaalada deegaanka si gaar ah amniga

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin dalka.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay bilaabi doonaan wajiga labaad howlgalada ay ku sugayaan amniga isla markaana ay kaga adkaanayaan Al- Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.