Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho tan iyo inta la guda galay bisha Ramadaan ee waxa ay ka wadaan – howlgalo xoogaan oo ay amniga ku sugayaan.
Waddooyin badan oo caasimadda ah waxaa xiliyada habeenkii ah lagu arkayaa ciidamo kuwa sida gaar ah u tababaran oo baaritaan ku samaynaya Bajaajta iyo dhallinyarada saran
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in heegan la galiyay ciidamo badan oo laga keenay dalka Uganda kuwaas oo halkaas ku soo qaatay tababar ciidan.
Inta ay socdeen howlgaladan ayay ciidanka sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ka qayb qaadanayay amni darrada ka jirta caasimadda.
Dadka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaafadaha qaar xitaa ciidanka Dowladda la dhigay si ay u xoojiyaan amniga magaalada oo isku diyaarinaysa maalmaha ciida.
Saraakiisha Dowladda ee ku sugan waddooyinka ay ka socdaann howlgalada ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan shaqsiyaadka ay u hayaan falalka amniga ee dara eek a jira.
In kastoo Dowladda ay ku howlan – tahay amniga sidii wax loogu qaban lahaa , hadana mararka qaar magaalada waxaa ka dhaca amni darro saamayn ku yeeshay dadka caasimadda ku nool.
Leave a Reply