Erdogan oo markale si kulul uga hadlay aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayyip Erdogan, ayaa Talaadadii shalay markale hadlay aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, isagoo sheegay in aysan wax faa’ida ah u lahayn Somaliland laftirkeeda ama xataa gobolka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bishii Diseembar, Erdogan wuxuu sheegay in go’aanka Israel ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyay Israa’iil inay isku dayeyso inay carqaladeyso Geeska Afrika.

“Waxaan si gaar ah u jeclaan lahaa inaan hoosta ka xariiqo mowqifkeena ku aaddan qiimeynta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha ku yaal aagga ay Itoobiya ku taallo,” ayuu Erdogan ku sheegay shir jaraa’id intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay Addis Ababa, isagoo intaa ku daray in Turkigu uusan dooneynin khilaaf hor lehoo ka dhaca gobolka.

“Waxaan aaminsannahay in dalalka gobolka ay u baahan yihiin inay xal u helaan mushkiladaha gobolka ka taagan iyo in Geeska Afrika uusan noqon goob ay tartan ugu jiraan quwado shisheeye. Marka la eego arrintaas, waxaan jeclaan lahaa inaan xoogga saaro in aqoonsiga Israel ay aqoonsatay Somaliland uusan wax faa’ida ah u lahayn Somaliland ama Geeska Afrika,” ayuu intaa raaciyay Erdogan.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore magaalada Hargeysa kaga hadlay sida uu Turkigu uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.