Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow la filaya in hoteelka ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe kula kulmi doona.
Afhayeenka Madaxweynihii hore Cabdirashiid Duqoow, ayaa inoo xaqiijiyey kulanka balse, waxa u ka gaabsaday waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan MW hore Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha labada Maamul.
Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam oo degan Airport hoteel ayaa kulamo Kala duwan la yeelanayey Maalmaha ay joogeen, Madaxda Dalka, kuwa Golaha Mustaqbalka, iyo Hogaamiyayaasha Ururada Bulshadda, iyagoo kala hadlayey Doorashadda, Dastuurka, iyo Marxalada kala guurka ah.

Leave a Reply