Keive (Raxanreeb) Ruushka ayaa ku eedeeyay ciidamada gaarka ah ee Ukraine inay dileen gabadh uu dhalay mid ka mid ah Saaxiibada ugu dhaw ee Madaxweyne Vladimir Putin.
Wariye Darya Dugina, oo 29 jir ah, ayaa geeriyootay kadib markii gaari ay wadatay uu ku qarxay meel u dhow caasimadda Ruushka.
Dilka gabdhaan ayaa ka dhacay afaafka hore magaalada Moscow, waxaana lala eegtay qarax xilli ay kaabiga ku soo haysay gudaha Moscow.
Ukraine ayaa iska fogeysay dhankeeda eedda ay Moscow u soo jeedisay ee ah in ay ka dambeeyeen dilka Daya Dugin, oo uu dhalay mid kamid ah saaxiibada Putin.
Alexander Dugin, oo ah Aabaha gabadha la dilay ayaa wararka sheegayaan in uu ahaa bartilmaameedka weerarka.
Saraakiisha Ukraine ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin qaraxa.
Hay’adda amniga federaalka ruushka (FSB), ayaa sheegtay in ay jawaab rasmi ah ay ka bixin doonan dilka Darya Dugin.
Leave a Reply