RW Xamse Cabdi Bare iyo Culumaa’udiinka oo ka hadlay Baa’binta fikirka Xagjirka

RW Xamse Cabdi Bare iyo Culumaa’udiinka  oo ka hadlay Baa’binta fikirka Xagjirka

Muqdisho (Raxanreeb) Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Culuma’udiinka Soomaaliyeed.


Kulankan oo uu ku sugnaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhaar Roobow Abuu Mansoor ayaa la is waydaarsaday sidii Culumada Soomaaliyeed ay ula shaqayn lahayd Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


Xamsa ayaa kulanka intii uu socday waxa uu culimada kala hadlay sidii ay door wayn uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshada iyo ka hortagidda figradaha argagixisada.


“Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha.


Ra’iisulwasaraha ayaa in maalmahan magaalada Muqdisho waxa uu ka wadaa kulamo uu la qaaday qaybaha bulshada kuwaas oo looga hadlayo sidii loo garab gali lahaa xukuumaddiisa.


Kulanka culimada iyo xukuumadda ayaa ku soo aadaya xilli ay xaaladda amni ee caasimadda muddooyinkii la soo dhaafay ay ahayd mid liidata.

Leave a Reply

Your email address will not be published.