GAROWE : Cashuuraha Gaadiidka ee seddex biloodka oo ka bilowday Puntland

GAROWE : Cashuuraha Gaadiidka ee seddex biloodka oo ka bilowday Puntland

Garowe (Raxanreeb ) Cashuuraha gaadiidka ee sadex biloodka ayaa ka bilaamay guud ahaan gobolada Puntland.

Maamulka cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda, Ciidamad ilaalada canshuuraha iyo Ciidamada nabadgalyada wadooyinka ayaa bilaamay soo xeraynta gaadiidka aan cashuurta bixin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Hon-Ahmed Abdirisak Dirie Jowle oo la hadlay Warbaahinta ayaa la hadlay Bulshada gaadiidkayda.

“Waxaan ugu baaqaynaa Bulshada Puntland ee gaadiidka leh in la gaaraaray cashuurtii sadex biloodka, waxaanu ka cod sanaynaa in ay gaadiidka cashuurtaan, Dowladdnimadu waa cashuuraha oo la bixiyo si wax loogu qabto adeegyada Bulshada, wadooyinkan aad arkaysaan waxaa lagu dhisay cashuurtii aad bixseen waana horumar aynu gaaray.”

Agaasimaha guud sidoo kale sheegay in Dowladdu wado qorshayaal lugu hormarinaayo gobolada dalka ayna muhiim tahay in la helo cashuurta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.