GAZA : Ciidanka Israa’iil oo 8 qof ku xirtay daanta- Galbeed.

GAZA : Ciidanka Israa’iil oo 8 qof ku xirtay daanta- Galbeed.

GAZA (Raxanreeb )- Sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ciidanka israa’iil ayaa qaaday talaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah shacabka Falastiiniinta ee ku nool daanta- galbeed.

Waxaa la soo warinayaa in askarta  Israa’iil daanta galbeed ee la haysta ee dhulka Falastiin ay ku xireen in ka badan  8 qof oo ay caruur ku jiraan.

Waxaa dadkan ka mid ah afar ruux oo walaalo ah kuwaas oo ciidanka Israa’iil ilaa iyo hadda aan la ogayn halka ay u kaxayseen ama ay ku xireen.

Tani ayaa timid ka dib howlgallo dhowr ah oo xalay laga fuliyay magaalooyinka Tulkarm, Hebron iyo Nablus oo ka tirsan Daanta Galbeed.

Waxaa sidan ku warramaysa wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.