Sanca (Raxanreeb )- Kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya Yeman ayaa qaaday talaabooyin kale oo dheeraad ah oo ka dhan ah Maraakiibta ganacsi ee isticmaalaya Badda cas.
War ka soo baxay kooxahan ayaa lagu sheegay in iyaga ay leeyihiin masuuliyadda weeraro ka dhacay gacanka cadmeed ee lagu qaaday maraakiib ganacsi.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka.
Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen.
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.
Leave a Reply