Golaha wasiirrada Jubbaland oo eedeeyn kulul u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Gedo.

Sidoo kale golaha wasiirrada Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyey inuu sii horinayo colaado daba dheeraa tahay ee ka taagan deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Geesta kale Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka, iyadoo tilmaantay in qorshaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay in colaadaha uu ka hurinayo gobolka Gedo uu ku fidiyo dalalka dariska ah, arrintaas oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kana dhalan karta cawaaqib aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha la wadaagtay siyaasadda cusub ee maaraynta qashinka magaalooyinka, iyada oo lagu saleeyay badbaadinta deegaanka iyo iyo bilicda Magaalooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.