Muqdisho (Raxanreeb) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.
Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga dalalka, Urdun, Qatar iyo Pakistan, heshiisyadaas oo kor loogu qaadayo tababarada ciidamada xoogga dalka
Kulanka golaha, ayaa waxaa shir guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Leave a Reply