Muqdisho (Raxanreeb ) Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan ayaa ganay , hadal si aad ah u qabsaday baraha bulshada kaas oo uu kaga hadlay dagaalka Hiiraan ka socda.
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in aysan muuqan , wax qabad la taaban karo oo beelaha Soomaaliyeed ay uga qayb qaadanayaan dagaalka ay kala soo horjeedo dagaalka dadka ay is abaabuleen ee ka socda Hiiraan.
Waxa uu sheegay inuu shaki badan uu ka qabo . sida ay uu xiriir beelaha qaar uu ugula dhaxeeyo ,Al- Shabaab sida uu yiri waxaana uu tilmaamay in beelaha ka soo jeeda Hiiraan ay keli ay ku noqdeen.
Macquul waa ila noqon wayday in Al- Shabaab ay ku dhiiradaan in ay dagaal ku soo qaadaan , Abaaray , Beerayabaal Yasooman iyo deegaanada kale taas oo uu yiri waxa ay igu keentay shaki badan oo uu ka qabo wada shaqaynta lala leeyahay Al- Shabaab.
Muuqaal uu soo duubay ayuu ku soo hadal qaaday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Geneeaal Odowaa Yuusuf Raage oo uu sheegay in maalmahan aan lagu arkin , goobaha dagaalada taas oo uu tilmaamay in tuhun kale ay keentay.
Diyaaradaha dagaalka ayuu sheegay in sidoo kale maalmahan ay bilaabeen in ay la – gafaan bartilmaameedkooda , taas oo markale uu xusay in ay tahay wax cajiib ah oo aan la qaadan la’ yahay.
Beelaha qaar ayuu sheegay in ay doonayaan in riwaayad ay ka dhigtaan dagaalka Hiiraan , waxaana uu xusay in hal qabiil oo keliya lagu daayo dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab isagoo ku baaqay in dhaqanka hadda jira wax badan laga bedelo.
Leave a Reply