Muqdisho (Raxanreeb) — Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo dhowaan ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in lagu dilay dagaallada gobolka Hiiraan ayaa soo hadlay, taasi oo meesha ka saartay sheegashada dilkii Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cali Dheere ayaa cod lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab waxa uu kaga hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaannada Yasooman iyo Beera Yabaal ee duleedka degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.
Codka ay xalay baahisay Al-Shabaab ayuu Cali Dheere ku sheegayaa in taariikhdu tahay 12-ka October 12, 2022, taasi oo u muuqata mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo inaanu aheyn cod horey loo duubay.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ay ku dileen 117 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda, inkasta oo sheegashadaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin, ayada oo dowladda ay horey u sheegtay in khasaare culus dagaalkaas lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Raadiyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee SNA Radio ayaa 6-dii October sheegtay inuu afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal.
Qoraal lasoo dhigay bogga facebook ee Raadiyaha ayaa lagu yiri “Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Cali Dheere uu isbitaal la jiifay dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaal ciidanka xoogga iyo shacabka xoreynta Hiiraan ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo dhaafay ee 29-kii September ee 2022.
Leave a Reply