Kismaayo (Raxanreeb online) – Guddiga madaxa banan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa doorasho gacan taag ah ku doortay Guddoomiyaha Guddiga iyo ku xigeenadiisa.
Sidoo kale, xubnaha Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Mursal Siyaad Maxamed sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa loo doortay Warfaa Maxamed Jaamac halka xog-hayaha Guddiga loo doortay Ahmed Xaaji Cabdi.
Dhanka kale, guddiga ayaa la filayaa iney maalmaha soo socda soo saaraan habraaca musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Jubbaland iyo weliba jadwalka doorashada.

Leave a Reply