Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo digniin u diray xubnaha mucaaradka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo digniin u diray xubnaha mucaaradka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si adag u cambaareeyay shaqaaqadii ka dhacday saldhigga Booliska degmada Wardhiigley oo uu ku tilmaamay mid abaabulan.

Guddoomiye Muungaab oo ka hadlayay kulan ku saabsan amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ficilkaas ay soo abaabuleen xubno ka tirsan mucaaradka lagana aqbali doonin fal kasta oo lagu khalkhal gelinayo nabadda iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay wixii dhacay yihiin in fal danbiyeed abaabulan oo ay sameeyeen mucaaridku ,isagoo ku eedeeyay in hadalladii ay dhowaan jeediyeen u muuqdeen kuwo qiil u samaynaya argagixisada, labaduba ay yihiin ficillo u adeegaya danaha kooxaha nabad-diidka ah sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Muungaab, oo ka hadlay boobka dhuleed ee lagu eedeeyay dowladda ayaa sheegay in sharciyan ay dowladda hoose mas’uul ka tahay, islamarkaana ay awood u leedahay in ay go’aan ka gaarto cidda dhulka la siinayo, iyadoo lagu salaynayo dan ku dhisan hannaan dowladeed.

“Markii horeba ay dowalddu hoose bixisay dhulalkaasi, kuwaas oo noqday goobo burburay oo uu dayac ka muuqdo, qaarkoodna cooshado ka dhisan yihiin, taas oo khatar ku ah bulshada iyo amniga magaalada, sidaas darteedna ay dowladda hoose xaq u leedahay in ay dhulkaasi siiso qandaraaslayaal dhisaya si loo hagaajiyo muuqaalka iyo amniga Muqdisho”, ayuu yiri guddoomiye Muungaab.

Xaaladda Muqdisho, ayaa saakay ah mid deggan kaddib markii shalay iska horimaad khasaaro dhaliyay uu dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.