Beydhabo (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Beydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda Beydhabo.
Dhanka kale, Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baydhabo uga qeyb galaya xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Sikastaba, Magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka socota qaban qaabada xaflad weyn oo lagu xusayo sannadka guurada lixaad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha talada maamulkaasi haya, iyadoona xusid mudan tahay afartii sanno ee sharciga ahaa mar hore dhammaatay uuna wali kasii taliyo halkaasi.
Leave a Reply