Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dil ka gaystay Muqdisho

Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dil ka gaystay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Ilaalada Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho , gaar ahaan degmada Yaqshiid ay ku toogteeen mid ah askarta dharcadka ah ee ilaalashada shacabka la magac baxay.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay , in dilkan salka uu ku hayo ka dib , muran soo dhaxgalay ilaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo askariga la  toogtay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askariga dilka geystay uu isaga dhaqaajiyay goobta, isagoo hore usii raacay kolonyadii galbineysay duqa magaalada Muqdisho.

Xiisad arrintaasi ka dhalatayayaa ka taagan goobga, iyadoo saraakiisba NISA ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha.

Maamulka gobolka Banaadir wax war ah ma uusan ka soo saarin dilka askariga dhar cadka ah ee loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.