Dubai ( Raxanreeb Online) Dowladda Imaaraatka Carabta, oo cusbooneysiin ku sameeysay liiska dalalka uu ka mamnuucay in ay helaan dal ku galka waddankaasi, ayaa sannadka soo socda ee 2026, waxa uu ku daray Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dalkaasi.
Liiska dalalka laga joojiyay heli taanka Fiisaha, waxa ay kala yihiin: 1-Afghanistan, 2-Libiya, 3-Somalia, 4-Lubnaan, 5-Bangladesh, 6 Cameroon 7- Sudan, 8- Uganda.
Dowladda Imaaraatka Carabta, faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin sababta rasmiga ah ee tallabadaan u qaaday, balse waxa ay sheegtay in go’aankaani uu yahay mid kumeel gaar ah. Hayeeshe wararka qaar ayaa sheegaya in arrintaani ay la xiriirto dhinaca amniga oo sameeyn ku leh dalalkan ku jira liiskan in ay ka jiraan rabasho Qatar.
Marka loo eego Soomaaliya, waa ay ka duwan tahay dalalkan, maadama Imaaraatka iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo heshiisyo dhinacyo badan taabanaya sida ganacsiga, amniga iyo siyaasadda, lamana oga sida ay tallabadan u sameeyn doonto muwaadiniinta Soomaalida ee safra dalkaasi.
Dowladda Soomaaliya weli ma bixin jawaab la xiriirta tallaabada Imaaraatka Carabta, balse waxaa la sugaya in ay soo saarto, maadama Soomaaliya ay arrintaani muhiim u tahay isku socodka laba dal.

Leave a Reply