IMF oo ka hadashay deyn halka ay marayso dayn cafinta Soomaaliya.

IMF oo ka hadashay deyn halka ay marayso dayn cafinta Soomaaliya.

New York (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa  shaacisay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka deyn-cafinta ayna kasoo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad.

Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa warbixin ay kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan ku sheegtay, in deynta Soomaaliya lagu lahaa ay kasoo haraysa oo kaliya $600 milyan oo doolar laba bilood ka dib, halka awal ay ka ahayd $5.2 bilyan oo doolar.

Soomaaliya ayaa ku dedaalaysay inay buuxiso shuruudaha deyn cafinta tan iyo markaas, waxaana dhowr jeer laga cafiyey deymo kala duwan oo ay ku lahaayeen qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Talaabadan ayaa horumar weyn u ah Soomaaliya maadaama ay u hor seedayso inay soo deynsato lacago ay ku fuliso hawlaheeda dawladnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.