Isbahaysiga ka dhanka ah Axmed Madoobe maxay yihiin awoodooda ?

Isbahaysiga ka dhanka ah Axmed Madoobe maxay yihiin awoodooda  ?

Muqdisho (Raxanreeb) Magaalada Muqdisho waxa ka bilowday kulamo xiriir ah oo looga hadlayo muddo xileedka uu kordhistay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Siyaasiin ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan wax la aqbali karin ay tahay in Madoobe uu qaado – talaabo uu ku kororsanayo xil hayntiisa.


Dhinacyadan ku kulmada ka wada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligan Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay qaado talaabo si looga hortago qalalaase ka dhaca Jubbaland.


Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiin miisaanka leh ee ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga.


Siyaasiintan oo isbahaysi ka dhan ah Axmed Madoobe ka abuuray caasimadda ayaa sheegay ina awoodooda ugu wayn ay isugu gayn doonaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxwaynaha Jubbaland.


“Saaxiibkey Axmed Madoobe waxa uu sameynaayo wax hiigsigeena anfacaaya maaha, qof kasta oo diidan sida uu wax u qado oo ku nool deegaanada Jubbaland ” sidaas waxaa sheegay Cabdirashiid Janaan .


Si kastaba qorshaha Axmed Madoobe ee muddo kororsiga ayaa keentay guux badan oo ku saasan in Axmed marnaba uusan diyaar la ahayn isbedel inuu ka dhaco Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.