Wasiirka gaashaandhigga iyo taliya ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay howl gallada Hiiraan

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliya ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay howl gallada Hiiraan

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Wasaaradda Gaashadhiga Soomaaliya Cabdikhaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janeraal Odowaa Yuusuf Raage & Saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa kormeeray Fadhiyada kala duwan ee Ciidanka ku leeyahay degaano ka tirsan gobolka Hiraan.

Wasiirka oo la hadlay ciidamada ayaa sheegay howl galka inay ku jireen muddo dhan 15 maalin oo toos ah asagoona sheegay howlgalkaas inuu ahaa midkii ugu horreeyay ee wakhtiga dheeraa asagoona ciidama ku ammaanay duruufaha ay ku shaqeynayaan.

Wasiirka ayaa ku amray ciidamada inay gutaan waajibaadka ay u dhaarteen la oggolaan karin inay sii haaystaan Al-Shabaab deegaannadaasi.

ugu danbeeytii wasiirka ayaa u mahad celiyay ciidamada deegaanka ciidamada deegaanka kuwaa oo kulahaa kaalin xoog leh ka qeyb qaadashada howlgalkaasi looga saarayo Al-Shabaab deegaannadaasi.

Booqashada wasiirka ayaa timid kaddib howl gallo joogta ah oo ay ciidamada ka wadeen deegaannadaasi ayagoona qabsanayay deegaanno hor leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.