Hiiraan oo Wasiirka Gaashandhigga & Taliyaha Xoogga u tagay Jabinta Al- Shabaab.

Hiiraan oo Wasiirka Gaashandhigga & Taliyaha Xoogga u tagay Jabinta Al- Shabaab.

Beledwayne (Raxanreeb) Degaano dhawr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa ka soconaya howlgal ka dhan ah kooxda Al – Shabaab oo lagu soo waramayo in ciidanka dowladda meelo badan ay la wareegeen.


Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda ayaa gaaray goobaha ay ka socdaan howlgalada lagu doonayo in Al – Shabaab looga adkaato.


Si la mid ah gobolka Hiiraan waxaa ku sugan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka kuwaas oo kulamo Beledwayne kula yeeshay , saraakiisha ciidanka ee horkacaya howlgalada.


Ujeedka xubnahan ayaa ah sidii loo dar dar galin lahaa howlgalada ka dhan ah Al Shabaab ee ka socda degaanada gobolka Hiiraan.


Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku sugan aaga howlgalada ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Al- Shabaab laga saaro gobolka Hiiraan.


Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka , kana soo jeeda Hiiraan ayaa dhawaan sheegay in ay ku biiri doonaan howgalada ka socda Hiiraan si shacabka looga dulqaado dhibaatooyinka ay wajahaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.