Japan oo Soomaaliya ka cafisay 100 milyan oo dollar oo deyn ah.

Japan (Raxanreeb online) – Japan ayaa Soomaaliya ka cafisay 100 milyan oo dollar oo deyn ah. Dayn cafintan ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Nairobi iyadoo heshiis rasmi ah oo deymo cafis ah ay kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Japan u fadhiya Kenya Ogihara Hiroshi.

Heshiiska deyn cafinta waa qeyb ka mid ah hindise ay hormuud ka yihiin waddamada la isku yiraahdo  Paris Club, oo ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya, kuwaaas oo bishii March 2024 ballan qaaday in ay deymaha ka cafinayaan Soomaaliya.

Danjiraha Japan ee Kenya Ogihara ayaa dhankiisa sheegay in Japan ay ka  go’an tahay inay taageerto hadafyada horumarineed ee Soomaaliya. Wuxuu ballan qaaday iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Japan iyo Soomaaliya si kor loogu qaado horumar waara iyo kobcinta adkeysiga dhaqaalaha gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.