Kismaayo (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa looga hor-yimid war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo muddo kordhin hal sanno ah loogu sameeyay madaxda dowlad goboleedyada.
Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland warka uu soo saaray ayuu ku sheegay in heshiiskii horey u gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah fashilmay, maadaama aan la xureyn deegaannada ay cadawga heestaan.
Dhanka kale, War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay qabsanayaan doorashada golaha Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, waxa ay sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo beesha Caalamka ugu baaqeen in la ilaaliyo dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.
Leave a Reply