Juxaa ‘’Puntland uma qalanto in lagu hayo qol madoow ‘’ Juxa oo si layaab leh u hadlay

Juxaa ‘’Puntland uma qalanto in lagu hayo qol madoow ‘’ Juxa oo si layaab leh u hadlay

Garoowe (Raxanreeb ) Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa ayaa shaaciyay in uu si guul ah ku dhammaystirmay wejiga kowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo lagu doortay golayaasha degmooyinka.

Wasiir Juxaa ayaa sheegay in wejiga kowaad ee doorashooyinka ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod lagu doortay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, islamarkaana uu si guul ah ku dhammaystirmay.

“Geeddi-Caano leh wejigiisi hore ee golayaasha degaanka guul ayuu ku soo dhammaaday, geeddiga dimuqoraaddiyaduna waa ka soo baxay caloosha hooyadiis ninkii is yiraahda dib ugu celina waa nin aan weli dhalan isaga ruuxiisu” ayuu yiri Juxaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba la hakin doonin hannaanka doorashooyinka qof iyo cod lana dhammaystiri doono wejiga xiga, waxaase uu tilmaamay in ay jiraan qaladaad ka imaan kara barnaamijkan, kuwaas oo lagu saxayo wada-hadal iyo is qancin.

“Waxaan marna suurta-gal ahayn, oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha”.

” Waan ogolnahay in aan ka wada-hadalno tusaalaha dhexdeena yaalla, gorgortan baan ogolnahay wada-xaajood baan ogolnahay, meel dhexe baan ogolnahay, laakiin waxaan marna suurta-gal ahayn in xero laga guuray dib loogu noqdo” ayuu sii raaciyay wasiir Juxaa.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya, iyadoo weli khilaaf iyo hubanti la’aan ka taagan tahay nooca loo qabanayo doorashada madaxtimada Puntland ee sannadka 2024, oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo mucaaridka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.