Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka dowladda Federaalka ayaa xiray waddada Maka-Almukarama iyo isgoysyada soo gala ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa dadka iyo gadiidka u diidaya in ay adeegsadaan wadada muhiimka ah ee Maka- Al- Mukarama.
Lama oga sababta loo xiray iyo saacadaha ay xirnaan dooonto wadadan oo dadka iyo gadiidka caasimadda muhiim u ah.
Maalmahan waxa magaalada Muqdisho ka jira xaalad hubaal la’ aan ah oo dhanka amniga ah.
Saacdo ka hor ayay ahayd markii magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weerar hoobiyaal ah oo lala beegsaday Villa Soomaaliya.
Leave a Reply