Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, kadib markii Denmark lagu gubay kitaabka Qura’anka ah

Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, kadib markii Denmark lagu gubay kitaabka Qura’anka ah

Ankara (Raxanreeb) — Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhammaan xubnaha isbahaysiga NATO, balse dalka Turkiga ayaa muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha debedda ee Turkigu ay u yeedhay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.

Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wasiirka arrimaha debedda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga, isagoo intaas ku daray in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.

Warbixintan waxaa qortay wakaaladda wararka ee AP