Koox Hubeysan oo Labo Nin oo Ganacsato ah ku dilay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Koox hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday xaafadda Soona-kay ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku dileen labo nin oo ganacsato ah mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Wararka ayaa xaqiijinaya in labo ruux ay ku dhinteen halka hal qof oo dhaawac ah loola cararay mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo Ragga la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku sugnaa goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen waxaana rasaasta ay fureen dableydaasi ka dhalatay dhaawac halis ah oo sababay in isla goobta ay ku geeriyoodaan labo ruux.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray wax yar ka dib markii uu falkaasi dhacay waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi kuwaasi oo la sheegay in ay baxsadeen ka hor inta aysan maamulka halkaasi gaarin.

Magaalada Muqdisho oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka jirtay xaalad deganaan ah ayaa hadda waxaa ka dhacay weerarkii labaad ee lala beegsaday ganacsatada wax ka yar 8 maalmood gudahood. Weerarkii hore ayaa ka dhacay xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Dowladda Federaalka oo ku aadan falka toogashada ah ee ka dhacay Degmada Hodan Waxaa socda baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.