Muqdisho ( Raxanreeb ) Kulankeenii Baarlamaanka ee maanta ayaa u baaqday Kooram la’aan sida ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa shir guddoomin lahayd Sacdiyo Yaasiin , maadama Guddoomiyaha Barlamaanka uu yahay ku simaha Madaxwaynaha.
Qoraal loo diray xubnaha Golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay xildhibaanada maat soo xaadiraan kulanka hase ahaatee dib u dhac ayaaa ku yimid.
“Kulankeenii Baarlamaanka ee saaka Kooram la’aan ayuu innagaga baaqday .Xildhibaanada waxaa waajib ku ah in ay gutaan waajibkii ay u dhaarteen. Waxa ammaan mudan intii soo xaadirtay ” sidaas waxaa sheegay xildhibaan Maxamed Ibraahim Maclimuu.
Si kasta dhawr jeer ayaa sidan oo kale uu dib u dhac ku yimid kulamada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Leave a Reply