Muqdisho: Kulankii Golaha Shacabka ayaa Maanta u baaqday kooram la’aan.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Kulankeenii Baarlamaanka ee maanta ayaa u baaqday  Kooram la’aan sida ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoomin lahayd Sacdiyo Yaasiin , maadama Guddoomiyaha Barlamaanka uu yahay ku simaha Madaxwaynaha.

Qoraal loo diray xubnaha Golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay xildhibaanada maat soo xaadiraan kulanka hase ahaatee dib u dhac ayaaa ku yimid.

“Kulankeenii Baarlamaanka ee saaka Kooram la’aan ayuu innagaga baaqday .Xildhibaanada waxaa waajib ku ah in ay gutaan waajibkii ay u dhaarteen. Waxa ammaan mudan intii soo xaadirtay ” sidaas waxaa sheegay xildhibaan Maxamed Ibraahim Maclimuu.

Si kasta dhawr jeer ayaa sidan oo kale uu dib u dhac ku yimid kulamada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.