Dowladda Kuwait oo war ka soo saartay weerarkii lagu qaaday Garoonkeeda Diyaaradaha.
Ciidanka Kuwait ayaa sheegay in taangiyada shidaalka ee garoonka diyaaradaha ee Kuwait lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn.
“ Taangiyada shidaalka ee garoonka diyaaradaha ee Kuwait International Airport ayaa la kulmay weerar diyaaradaha an duuliyaha lahayn kuwaas oo si toosa u bartilmaameedsaday kaabayaasha muhimka” ayuu qoraal rasmi ah ku yiri afhayeenka wasaaradda difaaca kaas oo lagu baahiyey barta X, ee milatariga Kuweyt.
Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalka ay la tacaalayeen “mowjado diyaarado aan duuliye lahayn oo ku xadgudbay hawada dalka.

Leave a Reply