Laascanood dagaal ayay ku waabariistay dhimasho & dhaawac ayaa jira

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood waxaa markale ka dhacaya iska hor imaad u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha Kacdoonka.

Dagaalka haatan socda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogan yahay kuwii horay uga dhacay gudaha magaaladaasi.

Ciidamada Somaliland ayaa waxaa la sheegay inay madaafiic ku garaacayaan Magaalada Laas-Caanood, kuwaas oo ku dhacay Guryo iyo Goobo Ganacsi.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda halkaasi.

Somaliland ayaa sheegtay saaka fariisimiyo ay leeyihiim ciidamadeeda la soo weeraray ayna ka hor tageen “Ciidankeena wali is difaac ayuu kujiraa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.