GAROOWE : Askar ku geeriyooday dagaal dhaxmaray ciidanka Puntland

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxa ka dhacay iska  hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac kaas oo dhaxmaray ciidamo ka wada- tirsan maamulka Puntland.

Dagaalka  ayaa  la sheegay in ay   dhexmartay ciidamo ka tirsan Saldhiga  Booliska Puntland ee  magaalada Garowe.

Wararka ayaa sheega in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen3 Ruux oo shacab ah iyo Askari ka tirsan ciidanka booliska puntland sida ay sheegeen dad halkaas ku sugan oo aan la hadalnay.

Ilaa iyo – hadda lama oga sababaha keenay iska hor imaadka ka dhacay magaalada Garoowe oo keentay in lagu kala cararo goobaha qaar ee magaalada.

Saraakiisha amniga maamulka Puntland kama aysan hadlin iska hor imaadkan iyo waxa keenay waxaana hadda lagu soo waramayaa in xaaladda ay degan tahay.

Dagaalka ka dib waxaa lagu soo waramayaa in kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha amniga kuwaas oo dood adag ka yeeshay waxa keenay dagaalka iyo sidii loo qaadi lahaa talaabada xigta .

Waxa uu ku soo aadayaa , iyadoo deegaanada maamulka Puntland ay ka jirto in siyaasiinta ay ka goys adeegayaan sida ay u socoto arrimaha doorashooyinka ee deegaaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.