Lafta-gareen oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiil sare oo katirsan ciidanka Turkiga

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Taliyaha Kulliyada Turksom S/Gaas Sebahattin.

kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Amniga, Tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Kulanka sido kale waxaa diiradda lagu saaray doorka Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka kor u qaadista xirfadaha Ciidanka iyo wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasilloonida guud ee Dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga Mahadceliyey Dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimada iskaashi waara oo lagu xoojinayo Nabadda iyo Horumarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.