Muqdisho (Raxanreeb ) Maamul-gobaleedyada Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay lalahaayeen Wasaaradda Maaliyada Federaalka Soomaaliya.
Wasiiradda Maaliyada heer maamul ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Federaalka inay garab martay wax ay ku sheegeen ”dhammaan Heshiisyadii ay kuwada shaqaynayeen 5-tii sanno ee lasoo dhaafay,” kaas oo keentay in Hannaanka Dayn Cafinta aan wax badan horumar ah laga gaarin.
Maamul goboleedyada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay jabisay heshiisyadii horey oo kala saxiiday ee kala ahaa:
01-Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019
02-Heshiiskii Kismaayo ee September 2019
03-Heshiiskii Kampala ee December 2019
04-Heshiiskii Nairobi ee January 2020
05-Heshiiskii Muqdisho ee August 2020
Lama yaqaanno halka ay Maamul-goboleedyadu kasoo geli karaan arrimaha dayn-cafinta oo ku dhacaysa waajibaadka Dowladda Dhexe, sidoo kale lama oga xeerka ay u cuskadeen xiriirka ay sheegeen inay jareen.
Dalka Somalia ayaa waxaa ka jira siyaasado is diiddan oo aan inta badan ku dhisnayn wax dhaafsiisan shakhsiyaad isu muuqda iyo dano gaar ah oo aan marna xeerinayn danaha dalka iyo dadka.
Leave a Reply