Maamulka Isra’iil oo iska fogeyneeso weerarada ay kuqaado xeryaha ciidanka UNIFIL.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Milateriga Israa’iil ayaa muuqaal ay soo galiyeen barta X ee horey Twitterka loogu yaqaanay, ku sheegay in uu  kayd hub badan ka buuxo ay kooxda Xisbullah ugu yaallo meel u dhow saldhigga ciidamada Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL).

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay milatariga Israa’iil lana  socday muuqaalka ay baahiyeen ayaa lagu sheegay in kooxda Xisbullah  ay ku garaacday gantaallo badan gudaha deegaannada maamulka Israa’iil, kuwaa ay sheegeen Israa’iil in laga tuuray meel u dhow xarumaha UNIFIL” bishii la soo dhaafay.

Waxa ay sheegtay Israa’iil in la helay hubka lagu kaydiyey gudaha xeryahooda dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla meelo ilaa dhawr boqol oo mitir u jira xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka nabad ilalainta u jooga Lubnaan ee UNIFIL, kuna dhaw khadka buluuga ah ee koonfurta Lubnaan.

Dhanka kale, Ciidamada Israa’iil, ayaa horey dhowr weerar ugu qaaday xeryaha ciidamada UNIFIL ee koonfurta Lubnaan, iyagoo dhaawacay ugu yaraan shan askari oo nabad ilaalin ah tan iyo Khamiistii. Weeraradaasi waxay dhaliyeen cambaarayn ballaaran oo caalami ah, oo uu ku jiro Mareykanka.

Warkan kasoo baxay milatariga Israa’iil , ayaana u muuqda mid ay mar marsiiyo ugu raadinayaan weeraro kale ay ku qaadaan xeryaha ay joogaan ciidamada nabad ilaalinta UNIFIL, waxa ayna horey Israa’iil uga dalbatay Qaramada Midoobay in ciidankooda kala baxaan koonfurta dalka Lubnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.