Howlwadeenada HSJ oo oo loofuray tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta Dukumiintiyada dadka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta dukumintiyada qofka oo ay ka qeyb galayaan hawlwadeennada Hay’adaha Socdaalka Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale Bareyaal ka tirsan laanta Baarista Dambiyada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID ayaa ka qeyb gelaya tababarkaan.

Agaasime Axmed Siciid tababarka furay ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dowladda Norway oo kaalinta ay ka qaadatay fududaynta iyo taabagelinta tababarkan.

Sidoo kale, Agaasimaha HSJ ayaa howlwadeenada ku dhiirigeliyay in ka qayb galayaasha aqoon kororsigan ay si wanagsan uga faa’iidaystaan, maadaama ay cashirada bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo qibrad iyo aqoon badan xambaarsan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Dowladda Kenya Marwo Evelyn oo ka hadashay munaasabadda furitaanka tababarkaan ayaa xoojisay muhiimada ay leedahay horumarinta baarista dokumintiyada ee baarayaasha, taas oo suurtageli doonta in horumar laga gaaro hubinta dokumintiyada lagu safro.

Safiirka dowladda Norway ee Kenya Mudane Gunnar Andreas oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa xoojiyay doorkooda taageerada Soomaaliya iyo wada shaqeynta xooggan ee kala dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Musaanasabada furitaanka waxa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/Dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan oo dhankiisa ka hadlay muhiimada ay u leedahay horumarinta xirfada baarista dokumintiyada, isagoo tilmaamay in ay sifiican uga faa’iidaysan doonaan barayaasha ka socda hoggaanka CID.

Leave a Reply

Your email address will not be published.