Madaxweyne Biixi oo kulan gaar ah laqaatay Ergeyga gaarka ah ee arrimha dibadda dowladda Norway.

Madaxweyne Biixi oo kulan gaar ah laqaatay Ergeyga gaarka ah ee arrimha dibadda dowladda Norway.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamul Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley  Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Norway Mr. Einar Rystad.

Sidoo kale, waxaana Kulanka dhex maray Madaxweyne Biixi iyo ergay Einar Rystad. lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga Mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Norway.

Dhanka kale, Madaxweyne Biixi ayaana ergay dowladda Norwey ka socday faah faahin badan ka siiyay heshiiska is-afgaradka ay la galeen dowladda Itoobiya, waxa uuna xusay in heshiiskaasi uu yahay mid dan iyo faa’iido badan ugu jirta maamulkooda.

Ugudambeyn, waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Wakiilka Midowga Afrika Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Cabdilaahi Dhoolayare) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Axmed Abokor Maxamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.