Madaxweyne Deni ayaa soo saaray ammar lagu joojinaayo dal kugalka Ajaaniibta ee Puntland

Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray amar lagu joojinayo ajaanibta sharci la’aanta kusoo galeysa deegaannada Puntland, isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa amarkan sitoos ah ugu socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

“Dhammaan hay’adaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinayaa in la joojiyay, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, in ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka aysan soo geli karin gudaha deegaanada Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada uu soo saaray Siciid Deni.

Dhanka kale, Deni ayaa sheegay in uu soo saari doono xeer gaar ah oo lagu maamuli doono nidaamka dal-ku-galka ajaanibta soo galaya Puntland, taas oo muujinaysa in Puntland ay dejinayso qorshe ka madax-bannaan kan dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aanka madaxweyne Deni wuxuu ayaa salka ku haya dagaalka ay kooxda Daacish ku qaaday Puntland, iyadoo Puntland ay ogaatay in dagaalyahannada ku sugan buuraha ay u badan yihiin ajaanib.

 Amarkan wuxuu imaanayaa iyadoo inta badan la ururiyay oo la tarxiilay ajaanibtii sida sharci-darrada ah ku soo gashay Puntland, kuwaas oo laga soo qabtay magaalooyin ay ugu horreeyaan Boosaaso.

Sikastaba, Puntland ayaa dagaal ba’an ku qaaday kooxda Daacish, iyadoo shacabka magaalada Boosaaso ay ka nasteen cabsi-gelintii, beegsigii iyo baadkii ay ku hayeen kooxda Daacish, oo ah ajaanib ka soo hayaantay dalalkoodii, iyagoo sheegtay in ay yihiin mujaahidiin udagaalamaya Diinta Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.