Kimsaayo (Raxanreeb online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo.
Sidoo kale, Guddigan la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona abaabul iyo qorista ciidamo cusub , kuwaa oo logu tala galay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga deegaannada igo degmooyinka gobolka Gedo.
Dhanka kale, Magacaabista guddigan ayaa imaanaya xilli gobolka Gedo qeybo kamid ah ka jiraan xiisad u dhaxeysa ciidamada Jubbaland iyo ciidamo kale oo ka amar qaata dowladda Federaalka.
Leave a Reply