Madaxweyne Laftagareen oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beydhabo.

Beydhabo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddisa, ayaa si diiran loogu soo dhoweyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo uu dib ugu laabtay.

Sisoo kale, masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baydhabo ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa uga hortagay garoonka diyaaradaha, waxa ayna halkaasi ugu soo dhaweeyeen si aad u sarreysa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo garoonka kula hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa aad ugu mahadceliyay, waxa uuna ka hadlay hadallo xanaf leh uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay kasoo yeerayeen magaalada Muqdisho.

Laftagareen ayaa sheegay intii uu dibadda ku maqnaa magaalada Muqdisho kasoo yeerayeen hadallo xanaf leh uu tilmaamay in dadka Koonfur Galbeed in lagu jaa’ifeenaayay ,waxa uu xusay in hadallada Muqdisho kasoo yeerayay wax u dhimayeen midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaana si weyn ugu mahadceliyay xildhibaannadii Koonfur Galbeed ee taageeray dibadbaxyadii ciidamada Itoobiya lagu taageerayay, waxa uuna sheegay in xildhibaannadaasi ula mid yihiin 13-kii dhallinayro ee SYL, isaga oo xusay in xubnahaasi Muqdisho loogu geestay hanjabaadyo.

Sikastaba, soo dhaweynta maanta magaalada Baydhabo loogu sameeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed , ayaa u muuqatay mid dhoolotus ah uu ku muujinayay in uu wali heesto taageerada shacabka deegaannada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.