Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Ms Karin Johansson

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Ms Karin Johansson

Nairobi (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi u jooga safar shaqo, ayaa kulan la qaatay danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson.

Sidoo kale, Laftagareen iyo Ms Karin Johansson ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasada dalka, amniga guud deegannada maamulka Koonfur Galbeed ,mashaariicda EU ay ka wada deegaannada Koonfur Galbeed iyo arimaha bini’aadannimada.

Dhanka kale, danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson, ayaa u ballanqaaday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed in ay ka taageerayaan dhinacyada amniga iyo sidoo kale fullinta mashaariicyo dhowr ah oo horey loo qorsheeyay.

Sikastaba, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya wakiillo katirsan beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayo xaalada deegaannada maamulkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.