Madaxweyne Putin oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay dal xubin ka ah maxkamadda ICC.

Mangoli (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin oo hore maxkamadda dembiyada caalamiag ee ICC u amartay in lasoo xiro ,ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay dal xubin rasmi ah ka ah maxkamadda dambiyada caalamiga ee fadhigeedi yahay dalka Holland.

Sidoo kale, Putin ayaana booqasho ku tagay magaalada Ulaanbaatar ee caasimadda dalka Mangolia, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Mangolia  Ukhnaagiin Khürelsükhin iyo masuuliyiin sar sare oo dowladda katirsan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Putin ayaa wadahadallo la yeeshay dhigiisa dalka Mangolia, waxa ayna labada Madxaweyne kawada hadleen arrimo badan oo khuseeya xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya .

Dalka Mangolia oo uu booqashada ku tagay Madaxweynaha Putin , ayaa xubin rasmi ah ka ah maxkamadda caalamiga ee ICC oo horey u amartay dalalka xubnaha ka ah maxkamadda in ay soo xiraan Vladamir Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Sikastaba, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine ayaa lagu cambaareeyay booqashada uu Putin ku tagay dalka Mongolia, waxa ayna ku eedeeyeen in ay ku xadgudbeen amarkii mackamadda ICC ayna hadda Mangolia dambiyada dagaal la wadaagto Ruushka, maadaama aysan xirin Putin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.